Mr. c/raxman Ali abdi mahamad
mr.c/raxman cali abdi maxamad

Xili kuleyl aad u daran uu jiray, dadka badidiina ay hargal hoos raadinayaan ayuu Hanad soo gaaray Busteejada Baabuurta Hiiraan looga dago ee Muqdisho, hareeraha Markii uu eegayna Waxa uu arkay Haboon iyo Walaashiis Shukri oo geed hoos leh oo BusteeJada ku yeelay fadhiyay, Iyaga oo afka ku haya Biyo Qabow, barafkuna ku badan yahay si ay isaga qaboojiyaan Kuleylka jiray.
Haboon waxaa ku jiray deg deg aysan dadku badidii fahmin, waxa ayna dhararsaneysay Imaanshaha Hanad, iyada oo maskaxda ku heysa 32 cisho ka hor balantii ay ku kala tageen Iyada iyo Hanad oo aheyd Farxad Guur iyo Aqal gal deg deg ah oo ay dhigtaan Marka uu kasoo laabto Degmada Buulo Barde oo uu Hanad u tagay si uu qoyskiisa u soo salaamo, indho doogsina uga soo helo Dhulka Miyiga ah ee Buulo Barde oo xiligaa Doogu ku badnaa, Geeluna ay ahaayeen kuwo wada dhalay, caanahana meel la kala geeyo la la'aa.
Haboon iyada oo mowjad keli sheekeysi ah ku jirta ayaa halmar waxaa gadaal inta uga yimid Indhaha ka qabtay Dhaqane oo ay ilmo adeer ahaayeen I sheeg markuu uu yirina waxa ay tiri” waa Hanad Macaane adiga miyaan codkaada dadka iiga darsamayaa xitaa haddii Qarniyaal nala kala qariyo!!” Wagarey wagar waa la yaab!! Dhaqane anfariir meel kasta uu jiray ayuu uga yimid, waxaana la wareegtay dhulka sidii qof ku sugan deegaan uu dhul gariir helay, waxaana kasoo hartay “Maya!! maya!! maya!! runtaa weeye, qof aad jeceshahay codkiisa lama hilmaami karo”.
Haboon Aduunka ayaa aduun kale la noqday, Aafareerkii helay Dhaqane mid kun jeer ka culus baa helay, wax ay ku hadashana way garan weysay, “Hanad muxuu maxkaxdeyda ka dhex qabanayaa” bay tiri iyada oo hoos ka guryameysa, Intii ay sheekadaas oo dhan dhaceysay Shukri kor bay ka eeganeysay, layaab kalase ma heysan iyadee, waxa fakar ku beeray heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Hanad iyo Haboon.
Hanad inta uu soo dhaqaaqay isaga oo jiidaya boorsadiisii buu si kedis ah u dul yimid, Haboon iyo Dhaqane oo indhaha mid kastaba hoos u jeediyay oo maya … Maya-da guraya iyo Shukri oo eegma uun ay kasoo hartay, Waxa uuna halmar yiri “ Waaw Macaanteyda Haboon iyo Walaashey Shukri ahaa, ma fileyn inaad wadajirtaan oo aad halkan igu sugeysaan”, waxa uuna dhabannada ka dhunkaday Walaashiis Shukri kadibna Waxa uu isku duubay Haboon, isaga oo dhexda qabsanaya, Haboon riyo bay la noqotay waxa dhacaya gacmaha ayeyna laad laadisay, iyadoo bilowday inay hadba dhinac eegto sidii ruux baadi ku jirto, waxa ayna iskula hadashay “Waayo waxaan?!! Ma jinni baa?!, miyaa la I hayaa oo caadi ahaanshihii baan ka tagay!, Aniga maanta maxaa iga qaldan!?” iyo erayo kale.
Dhaqane Waxaas oo dhan dhagta uun buu kala socdaa Indhahana hoos bay jiraan Balse halmar buu inta ilnugeylnimo iska fogeeyay dhinac dhinac u eegay, waaba kan yaabka-yaabkiis, muuqaal nimeed oo qariyay Haboon hal mar buu inta soo dhaqaaqay bilaabay qeylo iyo cay iyo gacantuur inuu isku daro, isaga oo dhahaya ”War waxaan qurunka ah muxuu yahay! Ma isla saxan tahay adiga? maxaad sameyneysaa? waxaagan daranoow!”.
Hanad si degdeg ah ayuu gadaal u soo qooraansaday, isagoo dhahaya “Maxaa dhacay?! Maxaan sameeyay walaal?!”. Waxaa markaas niyaddiisa ku taagan waxa uu yahay qaladka uu galay, “Armaad boorsada kusoo qaldantay oo dad kale wixiis wadataa!”.
Balse Hanad iyo Dhaqane markii ay indhaha isi saareen baa mid kasta dhinac eeg-eeg bilaabay, waxay ahaayeen wajiyo is yaqaan, oo isku deegaan ah, Dhaqane waxa uu mar kale soo xasuustay erayadii dhagahiisa ku dhacay ee kasoo yeerayay Haboon, waxa uuna bilaabay inuu yiraahdo Hanad saaxiib iga raalli ahow si kale baan wax u fahmay, kadibna labo jiiro buu ka dusay.
Birlaqe waxa uu madax ka yahay Maleeshiyada heysata Degmada Xamar-weyne oo ay ku wada nool yihiin Hanad iyo Haboon, sahan dumareed uu dirsaday waxa ay u soo wariyeen in Haboon ma ahane gabar kale oo u qalanta, aqalna lala gali-karo aan lagu haynin Deegaanka, waxa uuna yiri isaga oo goos-dambeedka ka qoslaya “Haddii ay sidaa tahay maxaad iga ag taagan tihiin, maad gabadha xeradayda soo galisaan, socda, qof tilmaamahaas leh waa loo degdegaaye”.
Hanad waxa uu ka yaabay waxa dhacay iyo hadalladii ka tagay afka Dhaqane, waxa uuna u jeestay dhanka Haboon isaga oo leh “Maxaa dhacay Haboon?! Sidey wax u jiraan?”. Balse Haboon ma ahan mid la socota hadallada kasoo baxaya Afka Hanad, qaddar daqiiqado ah mar la kala aamusan yahay ayey Haboon sidii qof soo baraarugay waxay bilowday inay dhahdo “Alla … Hanad ahaa, haye Macaane goormaad soo istaagtay halkan? … yaah mar horaa?, cabaar miyaad taagneyd?, kuma arkeynine, ii waran yaaqay!”.
Hanad waxa uu gartay in wax uun jiraane, Markaas buu inta uu qoslay waxa uu yiri “Haboon haddii aad indho la'aan iyo dhago laiI isku dartay Maxaan sameeyaa?!. Markaas bay Haboon bilowday dood ay isku difaaceyso iyada oo hadba meel dhufaneysa, waxa ayna bilowday inay Hanad u jaheyso jiho kale, Iyada oo leh “Aboowe waad soo baaba'daye, arag wajigiisii nuurayay, mugdiga iminka ka muuqda, timaha arag, sida ay ugu baxeen, maxaad sidaan dhan u soo noqotay Hanad, Alla Aboowe waad soo madoobaatay” inta gacanta wajiga ka marisay iyada oo faraha kula jirta Timada Hanad oo ay ku mashquushay, waxa ayna tiri “Ina mari waa inaan timajare marnaa sidaan xaafada kuma tageysid, Isagana waa uu ka ajiibay, Shukrina waxa ay boorsada ka qabatay Hanad, balse intii aan la dhaqaaqin baa dhagaha Haboon waxaa kusoo dhacay cod u muuqday hees meel dheer ka yeeraysay, waxa ayna bilowday inay dhinacyda eeg-eegto, iyadoo xaqiiqsatay inay heestu ka shidan tahay goob biyaha macmacaanka ah lagu iibiyo oo aan sidaa uga sii fogeyn, waxa ayna Hanad iyo Shukri ugu yeertay inay halkaa biya ka cabbaan, maadaama uu kuleyl jiray, waana laga aqbalay.
Markii la gaaray Goobtii, Hanad iyo Shukri haraadka hayay baa ku hogaamiyay inay galaaska biyaha un ku mashquulaan, halka Haboon dhuuxis ay u gashay Erayada Heestan:-
Sports Links |

![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
| ||||||||||||||||||||||
Booqdayaasha Webka Waa:www.juvan.8k.com
juvanyare@hotmail.com
sawirada juvan yare
maxad kaa taqaana sir mcc juvan ali taariiqdiisa?
magaceega oo buuxaa waa mr.c/raxman ali cabdi maxamad . waaxan sodhegtay schoolad ku yala xafada xamarjadid waaxan kalo somaray school ku yalala nabarafara waax barashadeda waaxa u danbesay school ku yala xafada sheerkule magacesa waa school yusof al konin waaxan ku garay ii laa dugse sare ) ku sodhawaw qesade juvan ali.










cabdiraxmaan cali jabaq: Juvanyare
ismail husein Ali: Kanaa
maxamed xasan dhoore: Dhoore yare
warsame hussein buule: Warsame gaab
xarbi .............. ............... Dorogba
cabduwali ........... ............... Alqaacido
qadar .............. ................. Ciji
cabdi yuusuf ............. ............. Cabdi gaab
asxaabtaas oo kukalanook daafa aduunka






































